Fariin Xiran
Fariin Xiran

Madaxa ayaan gacmaha Saartay!!! Amakaak!! Dhabanahays !! Fajac!! Anfariir!! Argaggax!! walaac..!! Murugo... Naxdin aad u wayn Ayee igu noqotay eraygii afkaada ka soo baxay ee ahaa ( Xagayga waxaa ka tahay Fasax), waxaa iga dhumay halbeegii deganaanta, Xasiloonidii, Farxadii, Ray-rayntii, wax kastoo aan heestay eraygaas waa uu laallay, habeenkii aad eraygaa tiri wuxuu iga dhigay siddii Qof qol iftiin badan ku jiray , oo halmar iftiinkii laga damiyey, kadibna wax kastaa sidda ee madow u noqdeen ayey noloshaydii u madoobaatay. habeenkaas waxaan u baahnaa kaliya inaa igu dhahdo Waan kula kaftamayaa, si aan ugu yaraan ruuxdayda u soo celiyo laakiin Ma aysan dhicin, waxaa kuugu baahday sidda Qof biyo madaxa loo galiyey ka dibna lagu yiri suuragal maahan in lagaa bixiyo, Qofkaas baahidda uu uqabo kaliya in uu Hawo helo ayaa kuugu baahday.
Wax walbaa agtayda waxay ka noqdeen suura gal xataa geerida! Haa waa geeridii aad taqaanay, si kale uma aanan dhiman Ruux ahaan baan u dhintay oo qalbi ahaan baan u dhintay, waxaan noqday qof neefsanaayo haddana aan Noolayn, qof soconaayo haddana uusan garanayn meel uu usocdo, jahwareer Nafeed baa igu dhacay. Marbaa is waydiiyey sidduu Eray kaliya u burburin karaa Ruuxdaada, Laakiin jawaab uma helin ilaa iyo hadda. Waan isku kaa dhiibay laakiin waan kugu dhex-lumay, Waan ku jeclaaday balse waan kugu jahwareeray aakhirkii, waan ku rabooday lkn waxaa iga kaa reebay Hal eray. Qalbigayga waa uu ku doonay lkn kaada waa uu i diiday, waad i fogeesay laakiin qalbigayga waa uu kugu fooganaa in badan, fiidkii markay dadka jiiftaan adigaa kaa fakiraayey, subaxii markii soo kaco siddii baan xasuusta kuugu haayey.
Shaydaanka xataa waxa uu ogaaday meesha aan ka liito sababtoo ah waxa uu u fiirsaday sidda daran aan kaaga fakiraayo ,siddaa darteed Salaadaha markaa galo waxa uu isoo xasuusiyaa marmarka Qaarna i tusiyaa suuradaadii wacneed waxa uu ka helay meeshaas fursad oo uu iiga mashquuliyo cibaadada Rabbi........ Lkn hadda Alxamdullilaah waxkastaa waa ee dhamaadayn, wax kastaa Siddoodii hore ayey ku soo noqdayn xataa Aniga, Fariintaan Waxaan ku soo xiray Erayo ka mid ah heestii ee ku luuqaysay Faanaanadii da'da yarayd Roodo kayf oo ahayd...
-
Wuu dhacaaye , is waagu xabiibti.
-
Wehelkaada u door, Qof wanaagsan.
-
Oo ha waarto , Walaal-nimadaynu
-
Wax qabsoo , Xaaladaha yay ku wiiqin.
Qore: Said S Mohamed
메타데이터
- post_id
- 0839a87f5204
- slug
- fariin-xiran-0839a87f5204
- url
- https://medium.com/@SaidsMohamed/fariin-xiran-0839a87f5204
- canonical_url
- https://medium.com/@SaidsMohamed/fariin-xiran-0839a87f5204
- author_url
- https://medium.com/@SaidsMohamed
- status
- ok
- fetched_at
- 2026-07-13 08:10:45