← Back to list

Dareenka Wadaninimo İyo Suugaanta

İnteena dhalatay dagaalkii sokeeye, waxaan kusoo barbaarnay qabiil qaawan. Waxaan qaawannaanta ula jeedaa uusan qaran ku larnayn…

Nomadmd · 2022-01-29 09:01 · 12 claps · 0.9 min read
#af-soomaali #suuggaan #gabay #hee
Open on Medium ↗

Dareenka Wadaninimo İyo Suugaanta

İnteena dhalatay dagaalkii sokeeye, waxaan kusoo barbaarnay qabiil qaawan. Waxaan qaawannaanta ula jeedaa uusan qaran ku larnayn. İnkastooba aabeyaasheen qabiil qabiil u qobqobnaayeen, haddana qaranku wuu taabanayay nolosha qofka. Hadday ahaato adeegga bulshada sida; waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo cadaalladda; ama hanka, fikirka, ixtiraamka shisheeyaha iwm.

İnteennii aan nasiibka u yeelan dugsiga qaranka, waxaan la kornay qabyaallad, qori iyo isqab-qabsi ilaa maanta taagan. İntii qoriga kasoo carartay badankood, waxay qabyaalladii iyo isqab-qabsigii usoo rareen qurbaha. İntii yareyd oo saddexdaba kasoo tagtay ama gadaal iska tuurtay waxay galeen ayro-go’an. Waxay kashooda ka go’een oraahdii ahayd “dal aadan lahyn, waa dareen ku joog.” İnkastoo oraahdo dhibeyso laabtooda, haddana dalkee leedahay ayay isweydiiyaan? Markaas waxaa dhagtooda kusoo dhaca erayo kamid heestii Waqti, ee Tubeec ku luuqeenayay.

Waqtiyoow dhismaha guud dawlad aan dhaliiloo dhibaatada igaadhiyo kawarqabin dharaar qudha dhaqankaan ku noolahay dhalinyaro intaan ahay dhagaha iyo aragaba ka dheeree agtayda

İnkastoo heestaan waqtiga abhineyso, haddana qofku marka uu dhagaysto qaaciga Cumar Dhuule, Jiim Shiikh Aadan İyo Xudeydi; ama uu dhuuxo erayada Hadraawi, Yamyam iyo Maxamed Cali Kaariye marna kuma gaban karo dal shishiiye. Si kastoo uu u barto luuqad iyo dhaqan kale, hayeeshe marna suugaantooda ma taaban dareenka hoose ee qofka. İnkastoo dantu keentay firdhashada dadkeena, haddana erayadaan Yamyam ayaa soo koobaayaya dareenka qofka caqliga u saxiibka ah.

Ninka iga sed roonow Siintaada magaca leh Ogow kaama sugayee Hana oran “sasabo bedow” Dareen seexda ma lihiye SOOMAALI BAAN AHAY


메타데이터
post_id
1b11de1ea2b1
slug
dareenka-wadannimo-i̇yo-suggaanta-1b11de1ea2b1
url
https://medium.com/@nomadmd/dareenka-wadannimo-i%CC%87yo-suggaanta-1b11de1ea2b1
canonical_url
https://medium.com/@nomadmd/dareenka-wadannimo-i%CC%87yo-suggaanta-1b11de1ea2b1
author_url
https://medium.com/@nomadmd
status
ok
fetched_at
2026-07-27 14:41:33