← Back to list

Falsafada İyo Fisiyoolajiga Jacaylka

“Jacaylku” shaki la’aan, waa arrin dadka oo dhan ay u qabaan baahi joogta ah. Dhibtiisa iyo dheeftiisaba, waa dareen ama rabitaan rug weyn…

Nomadmd · 2020-07-21 13:08 · 10 claps · 4.1 min read
#jacayl #falsafada #fiisiyooloji #caashaq #lamaane
Open on Medium ↗

Falsafada İyo Fisiyoolajiga Jacaylka

“Jacaylku” shaki la’aan, waa arrin dadka oo dhan ay u qabaan baahi joogta ah. Dhibtiisa iyo dheeftiisaba, waa dareen ama rabitaan rug weyn ku leh nolosha aadanaha. Dhalinyaro iyo waayeel, qof kastoo nafi ku jirto wuxuu nadiyaa erayga jacayl. Hayeeshe, inkastoo naadintiisu badan tahay; haddana ma yara laaxinkiisu. Waxaa yar, inta ogaal fog u leh waxa uu yahay jacaylku: ma dareenbaa, ma doonisbaa, ma danbaa mise waa duruuf aan cidna aan ka fogaan karin? Wuxuu yahayba! Qoraalkaan waxaan uga faalloon doonnaa falsafada iyo fiisiyoolojiga jacaylka.

İnta aan u gudagalin, faahfaahinta falsafada iyo fiisiyoolojiga jacaylka; bal aan isla fahanno waxa ay kala yihiin Falsafadu iyo Fiisiyoolojigu. Falsafadu waxay ka kooban tahay labo eray oo kala ah; “philia”=jacayl iyo “sophia”=aqoon. Oo la macna ah aqoon-jacayl ama xikmad-jacayl. Lakiin eray-bixin ahaan waa; Daraasadaha ku saabsan su’aallaha lagama maarmaanka ah ee la xidhiidha arrimaha ahaanshaha, aqoonta, runta, caddaaladda, quruxda, runta iyo luqadda. Halka Fiisiyoolojigu yahay cilmiga baara sida uu u shaqeeyo jirka nooleyaashu.

Falsafada Jacaylka

Qarniyo badan erayga “jacayl” siyaabo badan ayaa loo fasiray. İnkastoo aan weli la helin sababta dhabta ee keenta jacaylka; haddana taariikhda filasoofyo badan ayaa la yimid aragtiyo xiiso leh.

Filasoofiyihii hore ee Gariigga ahaa Plato, wuxuu buuggiisa “Symposium” ugu hadlaaya casho sharaf loogu doodaayo asalka jacaylka. Wuxuu soo qadanayaa aragtida qoraaga majaajilada Arishtophanes. Aristophanes, doodda wuxuu uga qayb galaya sheekadaan: Waagii horre bini’adamku wuxuu ahaa labo qof uu isku dhagan haddana kala jeeda. Wuxuu lahaa labo gacan, labo lug, labo waji iyo iwm. Maalin maalmaha kamid ah ayuu ka xanaajiyay İlaahyadooda, kadib Zues ayaa u qeybiyay labo. Markii la qaybinaayay wey kala jeedeen, oo isma arag. Sidaas darteed, jacaylku waa dareen uu qofwalba ku doonaayo in uu helo mataankiisa. Sheekadaan, sheeko kale ma ku xusuusisay? Ani haa, ‘Xaawo, waxaa laga abuuray feerta adaam.’ Sidoo kale, mindhaa abwaankii sameeyay heesta “Jeexaygi Midiggey”, ee uu qaado BK, tanuu ula jeeday.

Qoraagga buugga “The Metaphysics of Sexual Love” Arthur Schopenhauer, wuxuu qabaa in jacaylku yahay dareen ku jira hido-sideha qofka. Dareenkaas oo bilowga sheekada kugu qanciya inaad farxad ka helayso qof kale. hayeeshee, hadafkiisu yahay in uu tarmo, oo awlaad ka tago. Si geedkiisu uusan u qalalin, oo u jiro ilaa qiyaamaha. Guurka Soomaaliduna, badannaa inuu sidaas ku dhisan yahay ayaad moodaa. ‘Awlaad ka tag,’ waa erayga ugu badan ee uu qofku maqlo, markuu gaaro waayaha guurka.

Waxaa sidaas si ka duwan qaba Bertrand Russell. Russel waxaa laga soo xigtay in uu jacaylku yahay daawada kalinimada. Qof kasta wuxuu cabsi dahsoon ka qabaa kalinimada. Jacaylkuna wuxuu nasiiyaa ardaa iyo amni aan ku dareeno degganaan.

İnkastoo qoraa walba uu qabo aragti u gaar ah, haddana waxay ka siman yihiin in labada qof dhexdooda ay jirto awood isku jiidaysa. Waana iyadii Saado Cali lahayd:

Ma jiifsado cawadii, dharaartii ma joogi karo/Dhinacaaad iga jirtaa, qalbigu ii jiidayaa.

Fisiyoolajiga Jacaylka

Muddo dheer ayay saynisyahanadu eegayeen sida uu jirku uga falceliyo jacaylka. Sida ka muuqata heesta Saado Cali, bini’adamku qarniyo badan wuxuu aaminsanaa in qalbiga wax laga jeclaado-welina waa sidaas dhanka fanka iyo sugaanta. Laakiin kacaankii sayniska ee qarnigii 19aad, wuxuu waxba kama jiraan kasoo qaaday aragtidaas. Danbigu qalbiga ma ahayn, ee wuxuu ahaa maskaxda. Qalbigu wuxuu ahaa xubin la suray hoormoonno aysan xamali karin. Taas oo keentay in uu wadnahu garaaca badiyo markii uu arko qof uu jecelyahay. Dabinka maskaxda qalbigu sidee ugu dhacay?

Sida ay qoreen koox saynisyahanno ah oo uu hogaaminaayey Dr. Helen Fisher, Jacaylku romaantiga ah wuxuu u qaybsamaa saddex: damac, soo-jiidasho iyo isku-xirnaan. Nooc walba wuxuu leeyahay hoormoonno gaar ah oo lagu garto.

Tito Adhikary

Tito Adhikary

Damacu wuxuu ka dhashaa rabitaan galmo ay sababaan hoormoonadda Testosteron iyo Estrogen. Rabitaankaas waa mid ay ka simanyihiin noolahu, si ay u badbaadiyaan tarankooda. Hoormoonnadaas, inkastoo sameyskoodu uu bilowdu xiliga ilmahu uu ku jiro uurka hooyadiis, haddana way istaagaan markuu dhasho kadib, ilaa laga gaaro qaan-gaarnimada. Markaas oo ay is-badal ku bilaabaan jirka qofka. Qofku markuu qaan-gaaro ayuu bilaabaa inuu eego hareerihiisa si uu u helo qof ay isla tarmaan. Waxaa keena eegmadaas waa Testesteron iyo Ostrogen. Sidaas aawadeed jacaylka bilowgiisu waa damac. Qof aan damac kaa galin, jacayl kaama galo.

Soo-jiidashadu waa mid ku xiran damaca. Markaad wax damacdo ayay yeeshaan soo-jiidasho. Soo-jiidashado waxay saameysaa dariiqyada dabeecadda “Abaal-marinta” ee maskaxda. Waxaa lasoo daayaa hoormoonka farxad ee Dopamin, taas oo sharaxaysa farxadda iyo raynraynta usbuucyada ama billaha hore ee jacaylka. Dopamin sidoo kale waxay sare u qaaddaa hoormoonka Norepinephrine, taas oo keenta in aan galno xaaladda duul ama dagaal(fight or flight). Xaaladdaas oo keenta hurda yari, cunto iyo iwm. Norephinephrine waxay sidoo kale keenta dhiig-kar iyo wadne-garaac.

İsku-xirnaanshahu wuxuu ka dhashaa xiriirka soo soocday muddo dheer. İnkastoo damaca iyo soo-jeedashadu ay lagama maarmaan u yihiin jacaylka romaantiga ah, isku-xirnaanshada ayaa ah laf-dhabar u ah xiriirka. İsku-xirnaanshadu waa mid isku haysa qoyska, bulshada iyo ummaddaba. Labada hoormoon ee aas-aaska u ah waa Oxytocin iyo Vasopressin. Oxytocin waxaa la soo siidaayaa xilliyada dhalmada, naas-nuujinta iyo galmada. Waxay asal u tahay xiriir labada qof ka dhexeeya. Waa tan sababta jacaylka halka dhinac ah oo hooyadu ay u hayso ubadkeeda.

Tito Adhikary

Tito Adhikary

Si kastaba ha ahaate; jacaylku dhib iyo dheefba waa leeyahay. Si dhibkiisa layskaga awdo, dheeftiisana loo helo waxaan qabaa in la fahmo falsafadiisa iyo fiisiyolojigiisa. Qoraaga buugga “The Art of Loving” Erich Fromm, wuxu ku bilaabaya buuggiisa su’aalahaan: Jacaylku ma fanbaa? Haddu fan yahay, soo in fankaas la barto dadaal iyo aqoon uma bahna? Mise jacaylku waa nasiib iyo qadar qofka kasoo dul dhacda? İnkastoo dadku jecelyihiin su’aasha ugu danbeysa, hayeeshe arrinku sidaas ma aha. Jacaylku waa aqoon, ixtiraam iyo dadaal.

Adigu weligaa wax ma jeclaatay? Aragtidee ka qabtaa jacaylka? fadlan qaybta faallada nagula wadaag. 👋


메타데이터
post_id
43ccb39b7bc0
slug
falsafada-i̇yo-fisiyoolajiga-jacaylka-43ccb39b7bc0
url
https://medium.com/@nomadmd/falsafada-i%CC%87yo-fisiyoolajiga-jacaylka-43ccb39b7bc0
canonical_url
https://medium.com/@nomadmd/falsafada-i%CC%87yo-fisiyoolajiga-jacaylka-43ccb39b7bc0
author_url
https://medium.com/@nomadmd
status
ok
fetched_at
2026-07-28 22:54:49