← Back to list

Sheeko — Hillaac

Sheeko Sheeko 28 — Hillaac

Shilke Sh. Shariif · 2025-05-25 16:43 · 0 claps · 1.5 min read
#sheeko #sheekofaneed #sheeko-gaaban #shilke #hillaac
Open on Medium ↗

Sheeko Sheeko 28 — Hillaac

Waxa ay tiri “Waa fiid kale iyo gayrihii i gumeeyay. Halkaan ayaa habayn walba la iga helaa, waxaan fadhiyaa laamiga janbigiisa oo aan caano xoolaad ku iibiyo. Boorka iyo buska, lulmada iyo dhaxanta, intaasba waxaa ii dheer nabarrada aan bogsan ee bogayga ka balbalaya.

Laba sano ayaa laga joogaa markii aan ka soo laabtay Kanbaala oo aan shahaadada labaad ee jaamacadda ka soo diyaariyay. Waxa aan imid gurigeennii oo uu gabalkiisu dhacay, waxa aan imid kaddib geeridii aabbe, shanta ilmood ee iga yar iyo hooyo oo isku dul rafaadsan ayaan imid. Sida uu hammigaygu ahaa ayaan u holladay, shaqo raadis ayaan galay, cid aan rabbigii kownka alkumay ahayna garabkayga ma aysan joogin.

Irrid walba ayaan istaagay, shirkad walba ayaan booqday, xafiis walba ayaanan tagay, weli wax ma helin, rejadu ma yara, sidoo kale daalku ma yara. Hooyo, maalinta oo idil waxa ay ku maqan tahay suuqa bacadlaha oo ay miis yar ku leedahay, makhribka ayay soo hoyaadaa, anna inta aan daba maro ayaan laamiga caano la fariista illaa saqbarka.

Waxa ay iigu daran tahay marka uu mid baabuur cad wataa i soo ag istaago, oo inta uu kursiga geeskiisa ah fiiriyo si deggan u yiraahdo ‘gacaliso meeqo ayaan inoo qaadaa’ iyana hoogto inta qosol dibnaha caddayso ‘laba dhalo inooga dhig’ ay ku hadaaqdo. Meel aanan hubin ayaa i damaqda, haddana waan ku farxaa oo in hal mar laba dhalo la iga iibsaday.

Caadil, dhawr habayn ayuu halkaan igu soo maray, karuur geel ayuu iibsadaa. Waa bashaash marka aan muuqiisa arko ay dhaxantu iga duusho, waa uu faduul iyo kaftan badan yahay. Waan sheekaysannay, waan is shukaansannay, shirkaddiisa ayuuna shaqo iga siiyay.

Boogihii bogga ka balbalayay ayuu bogsiiyay, sadriga ayuu solay oo soohay, ruuxdayda ayuu daweeyay, dunida in uu diirnaxaa jiro ayuuna i dareensiiyay. Caadil waxa uu ii noqday daadihiye, dugsiiye iyo deeq uu Darajaale ii dooray.

Hillaac bari fog ka bilig yiri ayuu ii noqday, nafta ayuu hamuun tiray, hammigeedii ayuu rumeeyay, hoy xalaala ayuuna ii hadyeeyay. ALALALALA! Ma wax hoy ka hagaagsan oo ay inan heerkayga ah ku hammido ayaa jira? Malahaygu waa maya.

Caadil nafta ayuu u caddaalad sameeyay!”


메타데이터
post_id
573239bfcaa4
slug
sheeko-hillaac-573239bfcaa4
url
https://medium.com/@shilke14/sheeko-hillaac-573239bfcaa4
canonical_url
https://medium.com/@shilke14/sheeko-hillaac-573239bfcaa4
author_url
https://medium.com/@shilke14
status
ok
fetched_at
2026-07-19 18:06:16