Sheeko Sheeko 31 — Foodcadde
Qorraxda ayaa baalka sii dhiganaysa, sawaxanka ka yeeraya kubadda ay carruurta derisku ku dheelayaan barxadda gurigiisa ka danbaysa ayuu…
Sheeko Sheeko 31 — Foodcadde

Qorraxda ayaa baalka sii dhiganaysa, sawaxanka ka yeeraya kubadda ay carruurta derisku ku dheelayaan barxadda gurigiisa ka danbaysa ayuu hadda ku kacay, inta uu haamaansaday ayuu suuliga aaday, ganbar uu daaradda dhigtayna koob shaax ah la fariistay. Waxa uu maankiisu dhex maquurtay sheekadii bil ka hor dhex martay isaga iyo Gurey, meel uu u qaado ayuuna la’yahay.
Waa da’ soddonaad ay foodda hore caddaatay, waana sababta ay asxaabtiisu ugu yeeraan Foodcadde oo magiciisii qurxanaa shiiqisay, noloshiisa maalinna muusan shaqo tagin, xaafadda walaashiis oo uu qol ka degan yahay ayuu u soo hoy doontaa habaynkiina goobaha cawayska ayuu kuraasta uun ku soo fariistaa. Axmad oo gurranaantiisa awgeed loogu bixiyey Gurey ayay bil ka hor isku arkeen mid ka mid ah meheradaha Muqdisho. Waxa ay ka sheekaysteen xasuuso hore iyo berisamaadkii, noloshii yaraanta iyo xaafaddii ay ka deganaayeen degmada Heliwaa, waxa ay maankooda u celiyeen maalmo tagay, farxad dheer kaddib na waxa uu Axmad u soo bandhigay saaxiibkiis shaqo fudud oo aan xilli walba looga baahnayn.
Waxa uu u sheegay in ay u shaqayn doonaan nin uu ugu yeeray Salmaan, meel uu joogo ma yaqaanaan, lanbar u gaar ah oo ay ugu hagaagaana ma leh, waxa uu Axmad u sheegay in uu ninkaasi aamin yahay uuna muddo shan bilood ah la shaqaynayay hadda. Marka ay shaqo taagan tahay isaga ayaa ku soo wacaya ayuu u sheegay, umase uusan caddayn waxa ay shaqadu tahay.
Foodcadde, habaynkaa kaddib ma uusan ladin, sikin walbana waxaa ku taagnayd shaqada loo diri doono, waxaa u sii dheerayd in uusan haynin lanbarka Salmaan iyo kan Axmad toona, wuu ciilkaanbiyay oo halkeed u raadisaa ayuu isku hiifay. Waxa uu maqlay codka taleefankiisii oo ka dhacaya qolkii uu ka soo baxay, uma uusan daymo yeelan se mar labaad ayuu soo dhacay oo isaga oo ay su’aalo badan ka guuxayaan ayuu halhaleel u soo booday, wuu dul yimid, waa lanbar uusan aqoon u lahayn, wuu qabtay;
-
Hallow, soo Foodcadde ma ahan?
-
Haa, waa kuma?
-
Waa Salmaan, waan ku faraxsanahay in aad nala shaqayso, caawana wxaad qaban doontaa shaqadada koobaad.
-
Maxay tahay shaqada aan qabanayo?
-
Waxaad timaadaa taallada Daljirka labada fiidnimo, halkaas ayaan ku kulmaynaa.
Waa lagu jaray, in u uku celiyo ayuu maagay se wuu u gali waayay.
Waxa uu maankiisu ku mashquulay iskuxirka waxa laga rabi karo, nooca shaqada iyo ninkaan isqarinaya waxa uu noqon karo. Waa uu daalay, inta uu shaydaanka iska naaray ayuuna sariirtiisii isku tuuray.
Waa labadii fiidnimo waxa uu taagan yahay barxadda ka horraysay taallada Daljirka Daahsoon, taleefankiisa ayuu kor u hayaa oo lanbarkii galabta ayu uku celcelinayaa, marna saacadda taleefanka ayuu isha la raacayaa oo uu sikin sikin u xisaabinayaa. Waa la soo wacay, waa lanbar kale, wuu qabtay;
- Hallow, ma joogtaa?
Codku, codkii uu maanta maqlay ma ahan.
-
Waa kuma?
-
Waa Salmaan ee ma joogtaa? Qofka funnaanada baraha leh qabaa ma adigaa?
-
Haa, waa aniga, halkeed joogtaa?
Waa lagu jaray, wuu yaabay oo dhinacyada dhugtay. Bajaaj ayaa soo hor istaagtay, laba nin oo da’aadiisa ah duruufise ay ka muuqato ayaa ka soo degtay. Mid ka mid ah raggii yimid ayaa hadalka qaatay;
- Magacaygu waa Nuur, waxaan ahay wakiilka Salmaan, waxaa la ii sheegay in aad shaqada ku cusub tahay magacaaga cusubna uu yahay Jacfar.
Wuu amakaagay, waxaase si deggan loogu sharraxay shaqada laga doonayo in uu qabto, wax culus in aysan ahayn ayaa loo sheegay, in laga rabo in uu caawa tababarto ayaa loo raaciyay. Foodcadde indhataag ayaa ka soo haray, kulanka Salmaan ayuuna dalbaday. Nasiibdarro waxaa loo sheegay in uusan la kulmi karin, haddana laga rabo in ay shaqada horay ka galaan. Foodcadde wuu dhaga’adaygay waxa uuna ku gawsqabsaday in uusan shaqadaan qabanayn.
Nuur ayaa u sheegay in uu fasaxan yahay, ayna wada hadli doonaan isaga iyo Salmaan. Wuu soo baxay, si qarsoodi ah ayayna u soo dabagaleen. Foodcadde waxa uu afka soo saaray gurigiisii inta uusan soo gaarin ayuuna ka war helay jug fudud oo dhabarka uga timid, uu jeestayna waxa uu la kawsaday Nuur oo sujuudda biskoolad ugu hay aiyo saddex baalooto oo dhex maray madixiisa.
메타데이터
- post_id
- 7a6967dc0ff9
- slug
- sheeko-sheeko-31-foodcadde-7a6967dc0ff9
- url
- https://medium.com/@shilke14/sheeko-sheeko-31-foodcadde-7a6967dc0ff9
- canonical_url
- https://medium.com/@shilke14/sheeko-sheeko-31-foodcadde-7a6967dc0ff9
- author_url
- https://medium.com/@shilke14
- status
- ok
- fetched_at
- 2026-07-16 22:20:29