Marxaladaan kadib maxaa xigo doono?!
Wax kastaa Way dhamaadeen.
Marxaladaan kadib maxaa xigo doono?!

Waa sidda anigoo iswaydiinayo: Marxaladdaan kadib maxaa xigo doono?! Waa anigoo Haddana iskuugu jawaabayo: "Waxaa ii xigi doono Ooyin dheer ilaa aan ka gaaro darajo ah, in ooyinta is-weydo oo siddee ah waa in ooyinta nafteeda aan awoodi waayo"
Si kale, waxaan gaari doonaa darajo ah in Murugtayda hoobasho ruuxiyaddeed noqoto, Marxalad burbur Nafeed gaarto, Marxalad Kalinimo soo taabato, Marxalad Marxalad...... ilaa aan caalam mugdi ah galo.
Si kale, Murugo aad u dheer , kadib Oohin tira beel ah, kadib Aamusnaan gudaha ah, hurdo la’aan joogta ah, is qiima tirid muuqato.
Si kale, Marxaladaha waxay isku badali doonaan Canaan nafeed, Waxaan si kas ah u xiri doonaaa garaadkaygii garashada wacnaa, waxaa i dardari doono duufaanadda hilowga, waxaa maskaxdayda qasi doono xasuuso daran, dareeno adag.
Si kale, Waxaa dhabano-hays igu noqo doono balamadii badnaa sidda fudud ee loo kala tuuray. Ma siddaas bee wax kastaa u fududaayeen ayaan dhowr-jeer ku cel-celindoomaa, ayadoo ku celcelinta waxba ii tari doonin.
Ugu danbeen, Waxaan isticmaalay garaadkii aan sidda ula kaca ah u xiray, waxaan go’aansaday sidda ee xiriirkii u jartay, ina aan qalbada uga jarro, waxay ahayd wadda dhib badan laakiin hadda waan gaaray. Runtii xiiso yarbaa igu haray Maalmaha soo socdo wax kastaa waxay ku soo laaban doonaan Eber yacni siddii hore.
Dhabtii, Arrimahaan oo kale waa dhacdooyin meerto ah, Aniga waxaan ku bixiyey waqti iyo Qiimo aysan u Qalmin, ka dibna waxaan kala kulmay wax aniga aanan u qalmin. Run buu sheegay Qofkii yiri: ( Hadhigin Arrimaha boos aysan u Qalmin) lkn aniga waan dhigay. Mid kalaa yiri ( Qiimahaada Haka Raadin dadka indhahooda) lkn aniga Waan ka raadiyey. Labbadaba waan ku hungoobay.
Rabbi sidda uu Dunuubta in laga Towbad keeno u Amray, ayaan Jacaylka uga Towbad keenay.
(-Waxaan ka hadlayaa dhinaca jacaylka -)
- Hadda Qofna Ma jecli , Qofna ima jeclo, Mana jeclaan doono. ♾️-
17/August/ 2025
Qore: Said S Mohamed.
메타데이터
- post_id
- ab03300a54e8
- slug
- si-kale-ab03300a54e8
- url
- https://medium.com/@SaidsMohamed/si-kale-ab03300a54e8
- canonical_url
- https://medium.com/@SaidsMohamed/si-kale-ab03300a54e8
- author_url
- https://medium.com/@SaidsMohamed
- status
- ok
- fetched_at
- 2026-07-13 08:59:31