← Back to list

Afarta Fure ee Farxadda

Ah farxad! Farxad! Halkeed ku habsaantay? İlaa Xaawo iyo Aadam, bini-aadamku wuxuu habeen iyo maalin ku raad joogay isha farxadda…

Nomadmd · 2020-08-06 16:35 · 14 claps · 3.9 min read
#farxad #nolol #toltec
Open on Medium ↗

Audrey Reille

Audrey Reille

Afarta Fure ee Farxadda

Ah farxad! Farxad! Halkeed ku habsaantay? İlaa Xaawo iyo Aadam, bini-aadamku wuxuu habeen iyo maalin ku raad joogay isha farxadda. Raad-raaca farxaddu wuxuu sababay, in bini-aadamku ku qanci waayo wixii gacmihiisa ku jiray. Naftiisu waxay u sheegtay in uu ka hayaamo dhulkuu ku dhashay, uuna raadsho degaan dhaama dalkiisa. Sida taariikhda ku cad, dadyowgii ugu horeyay ee adduunka la keenay ama ku askumay waxaa degaan u ahaa halka maanta Soomaalidu degto ee Bariga Afrika. Hayaankii halkaas kasoo galeen ayaa keenay inay ku faafaan cirifyada adduunka. Geediga bini-aadamku ma dhamaan ilaa maanta; tahriibkuna waa nooc kale oo kamid ah hayaanka loogu jiro nolol farxad iyo reyreyn leh. İnkastoo dadku badanna u yaqaan farxadda dareen waqti gaaban wadnaha qaboojiya; hayeeshee waxaa macaquul ah farxad joogta ah oo aan ku dhisnayn is-bedelka gaaban ee hoormoonada.

Qoraaga buugga ‘The Four Agreements’ Don Miguel Ruiz, wuxuu buuggiisa ku sharaxayaa afar heshiis oo fure u ah farxad waarta. Ruiz wuxuu ku dhashay waddanka Meksika. İnkastoo kusoo barbaaray hiddaha iyo dhaqanka qoomiyada Toltec ee uu kasoo jeedo. Waxaa soo jiitay dhaldhalaalka nolosha casriga ah. Wuxuu bartay kulliyada caafimaadka, kadibna wuxuu noqday dhaqtarka qalniinka. 1970kii habeen asagoo wada gaari ayuu ku hurdooday, kadibna wuxuu galay shil. Shilkaas wuxuu noqday calaamadda is-badalka Ruiz. Wuxuu dib ugu laabtay qoyskiisa, si uu u barto dhaqanka iyo hiddaha Toltec. Ruiz wuxuu ogaaday in farxadda dhabta ahi-oo ka waayay aduunka casriga ah- ay ku jirto dhaqankiisa. Afar shey oo asal u ah farxadda ayuu ka bartay waayeelka Toltec.

Heshiiska 1aad: Erayada afkaaga ka baxaaya si taxadar leh u dooro

Heshiiskaan waa kan ugu muhiimsan, uguna adag in la fuliyo. Hadalku waa sixir, wuxuu dhisi karaa ama burburin karaa nolosha malaayiin qof. Wuxuu bilaabi karaa saxiibtinimo ama cadawtinimo mug leh. Hitler muddo aan fogayn wuxuu hadalkiisa ku sixray hadalkiisa dadka Jarmalka, asagoo ku burburiyay noloshooda iyo nolol dad kale oo badan. Sidoo kale Nabbi Muuse iyo Haaruun waa tuu Alle ugu waxyooday, “Labadiinu u taga fircoon, waayo wuu kibray. Kulana hadla hadal naxariis leh, laga yaabaa in uu fekaro oo ku waano qaato ama uu cabsado.” Dhaha, aayaddaha45–46

Fulinta heshiiskaan ma ahan mid fudud, waayo waxaan baranay si kasoo horjeeda arinkaan. Waxaan kusoo hanaqaadnay dadka naga weyn oo been sheegaaya ama dadka xamanaya. Xanta iyo beentu waxay noqdeen laf dhabarta xiriirkeena. Tusaale: Naag been baa lagu soo xero geliyaa; Runna waa lagu dhaqaa. Hayeeshe, haddii aad si taxaddar leh u doorato ereyadaada, waxaad dareemi doontaa wanaag, farxad iyo xasillooni.

Heshiiska 2aad: Waxba shakhsi ahaan ha u qaadan

Waxkasta oo ka dhaca aagagaarkaaga shakhsi ahaan ha u qaadan. Adoo wadada socda haddaan ku iraahdo, “hey, doqon baa tahay” aragtideyda ayaan ka hadlay, lakiin ma ahan xaqiiqda inaad doqon tahay. Laakiin haddaad ku fahantid shakhsi ahaan, waxaaba macaquul in aad isweydiiso inaad doqon tahay iyo inkale. Anigu markaan faraxsanahay, dadku waxay u yiraahdaan, “Miguel, malaa’ig baad tahay”. Markaan xanaaqsanahayna, “Sheydaan baad tahay” ayay i yiraahdaan. Lakiin anigu dhag jalaq uma siiyo, waayo aragtidooda waxay ka turjumeysaa aduunkooda.

Haddii aad caado ka dhigato in aadan waxba shakhsi u qaadan, waxaad naftaada ka badbaadin doontaa culaab iyo culeys badan. Qalbigaaga uu furan ayaad adduunka dhan ku dalxiisi kartaa, qofna kuma dhaawici karo. Markaas waxaad dareemi kartaa xasilloni gudaha ah iyo farxad xataa duruufaha adag ee nolosha dhexdeeda.

Heshiiska 3aad: Ha male-awaalin

Waxaan leenahay caado ah inaan waxba male-awaalno ama qiyaasno. Male-awaalka dhibkiisu waa in aan rumeysano waxaan male-awaalnay. Xataa waan ku dhaaran karnaa inay dhaqyihiin male-awaalkeenu. Waxaan male-awaalnaa waxa dadka kale ku fakarayaan ama ay qabanayaan. Kadibna waxaan dhaleecaynaa dadkaas, anaggo ku falcelinneyna erayo sumeysan. Fahanka shakshiga ah iyo male-awaalka ayaa aasaas u ah murugada iyo gibilmadoobaadka nolosheena. İnyar ka fikir xaqiiqda weedhaan. Hab fekerka maskaxda aadanaha waa mid xiiso leh. Si aan u dareemno nabadgelyo iyo xasilloni, waxaan u baahanahy inaan wax walba micno u sameyno. Waxaa jira malaayiin su’aalo ah oo maankayaga ku jira, oo sugaya in laga jawaabo. Macno malahan hadii jawaabtu sax tahay; jawaabta lafteeda ayaa ku filan in aan dareemno nabadgelyo. Waxaan ka cararnaa in aan qofka la sameyno xiriir ama la hadalno cabsi aan jirin awgeed. Waxaan ka doorbidnaa in aan male-awaalno waxa ku jira maankiisa.

Si aad naftaada uga badbaadiso male-awaalka yeelo geesinimo aad su’aallo ku weydiiso. Haka daalin inaad su’aal weydiiso ilaa ay wax walba kuu kala caddaadaan. Ha u qaadan inaad wax walba ogtahay, haddii xataa aad hesho jawaabbaha su’aallahaaga.

Heshiiska 4aad: Wax walba intii aad awoodid ka samee

Adigoon eegeyn tayadooda, wax walba sida ugu fiican inaad u sameyso iskuday. Haddii aad isku daydo in aad sameyso intaad awoodid in ka ka badan, waxaad ku bixin doontaa tamar badan taas oo daal iyo culeys keeni karta. Haddii aad sameyso intaad kartid in ka yar, waxay naftaadu dareemeysaa qoomameyn iyo shaleyto. Ma fududa in aad sameyso inta aad kartid, lakiin waa heshiis xor kaa dhigi kara. Haddii aad guleysan weydid marna naftaada danbiga ma saareysid, ee waxaad oran wax walboo aan awooday waan sameeyay. Waxaa kaloo jira oraah dhahaysa, “İnta aadan oran waan guul dareeystay, iska hubi in aad isku dayday in ku filan.”

Waxaad ku noolaan doontaa nolol cajiib ah markaad u fiirsatid ereyadaada, marka aadan waxba u qaadan shakhsi ahaan, marka aadan male-awaalin iyo marka aad sida ugu fiican wax u qabato. Maamuulka noloshaada wuxuu ku jiri doonnaa gacmahaaga.

Qoraalladayda kale:-

[embed]Falsafada İyo Fisiyoolajiga Jacaylka “Jacaylku” shaki la’aan, waa arrin dadka oo dhan ay u qabaan baahi joogta ah. Dhibtiisa iyo dheeftiisaba, waa dareen…medium.com

[embed]60 Sano Kadib Madax-bannaani iyo Xornimo Keebaa Haysanaa? Maanta waxay ku beegan tahay 26 Juun, oo ah marki ay madax-banaanidooda ay ka qaateen gobollada Waaqooyi Ee…medium.com

[embed]Amarkii Ebbe Ee İqra’: Bilowga İs-badalka Sida aan wada ogsoonahay bilawga waxyigu wuxuu ahaa iqra’. Waxay mufasiriintu sheegaan in Nabbigu(NNKH) ku jawaabay “…medium.com


메타데이터
post_id
b0086b36afa2
slug
afarta-fure-ee-farxadda-b0086b36afa2
url
https://medium.com/@nomadmd/afarta-fure-ee-farxadda-b0086b36afa2
canonical_url
https://medium.com/@nomadmd/afarta-fure-ee-farxadda-b0086b36afa2
author_url
https://medium.com/@nomadmd
status
ok
fetched_at
2026-07-28 22:12:07