Daba-Huwan: Farriin Durugsan
Kol hore Soomaaliya waxaa loogu yeeri jiray “dalkii gabayga.” Hayeeshee aafadii burburku ma aysan dhaafin dhaqankii gabayga. Wixii gabay ku…
Daba-Huwan: Farriin Durugsan
Kol hore Soomaaliya waxaa loogu yeeri jiray “dalkii gabayga.” Hayeeshee aafadii burburku ma aysan dhaafin dhaqankii gabayga. Wixii gabay ku yiil buug waxay in badan ku basbeeleen dagaalladii sokeeye. İntii ka badbaaday, ama dabadeed la tiriyayna waxay noqdeen kuwa ka dheer nolosha dadka. Halka Soomaalidii hore ninka aan maansoon karayn geedka ka dhexmuuqan jirin; maantana madaxdii waa ogtihiin iyo mijihiiba in aysan is-dhaamin.
Maxamed Baashe Buuggiisa “Hal Ka Haleel” ee taariikhda iyo gabayyada Hadraawi uu si farshaxamaysan ugu soo bandhigaayo, wuxuu maansadaan Daba-huwan ku tilmaamayaa in ay tahay ibo-bixinta maansooyinka Run-ku-sii-durugga ee Hadraawi.
Maansada qaybta hore abwaanku wuxuu kusoo qaadanayaa sidii uu ugu dhibtooday raadinta “Macnaha Nolosha.” Wuxuu ku dheeranayaa sida uu baadi-goobay aritntaas iyo sidda xanuunka leh ee uu soo tufay waxbadan oo uu islahaa waa runta nolosha. Wuxuu yiri;
Markay dani meeday tidhi Maxaan talo meel ka deyey Markay dani maaha tidhi Weydiiyey qof meel ka deyey Markay dani maaha tidhi Ku laabtay halkaan ka deyey Markay dani maaha tidhi Ka sii deyey meel la deyey
Maxay doqoniino tidhi Ruuxaan jirin raad ku doon İntaan isku duubay been Ka buuxsadey labada dacal Maxay runi daadi tidhi
Wuxuu kaloo taabanaya nolosha dunida iyo sida ay kaaf iyo kala-dheeri u yihiin aragtiyada bini-aadamku. Sida isha wax eegaysa ay u bedeli karto xaqiiqda shayga. Wuxuuna leeyahay;
Rugaha dunidaa bulsho ah İndhaha deyayaa xujo ah Docaa laga eegayaa Deymaa lagu eegayaa Danaa laga eegayaa U daana cid baa taqaan Ka daana cid baa taqaan
Abwaanku, wuxuu kaloo muujiniyaa dhaqankii suubbannaa ee Soomaalida. Sida dhib walba uu lahaa xal iyo sida uu ugu filnaa wax-soo-saarkeedu bulshadu. Sida bulshadu u lahayd madax iyo mijo isu dheeli tiran. Wuxuu orannayaa;
Dal iyo magac bay lahayd Dad iyo mudan bay lahayd Duunyiyo mahad bay lahayd Diin iyo dhaqan bay lahayd Duug iyo dhaxal bay lahayd Dan iyo tacab bay lahayd Dedaal xejiyay lahayd Xadhikiyo dabar bay lahayd Aqoon durugtay lahayd Xil daacada bay lahayd Duleed jiratay lahayd Duggaal hanatay lahayd Daw iyo marin bay lahayd
Kaliya boqolka beyd oo hore ayuu abwaanku kusoo bandhigayaa intaas xaqiiqo ah. Kuwaas oo u baahan in loo yeesho maqal. Maansadaan oo ah 803 beyd oo is-daba-taxan waxay qofka ku hagaysaa wadada runta. Waxay usoo koobeysaa tagtada iyo timaadda. Waxay taabanaysaa dareenka iyo shucuurta qofka.
메타데이터
- post_id
- b535e5745ce4
- slug
- daba-huwan-farriin-durugsan-b535e5745ce4
- url
- https://medium.com/@nomadmd/daba-huwan-farriin-durugsan-b535e5745ce4
- canonical_url
- https://medium.com/@nomadmd/daba-huwan-farriin-durugsan-b535e5745ce4
- author_url
- https://medium.com/@nomadmd
- status
- ok
- fetched_at
- 2026-07-27 19:28:07