Haddii aad dhalan lahayd sannadka 1900…
Markaad 14 jir tahay, waxay dunidu gashaa dagaalkii koowaad ee adduunka (1914 — 1918).
Haddii aad dhalan lahayd sannadka 1900…
Markaad 14 jir tahay, waxay dunidu gashaa dagaalkii koowaad ee adduunka (1914 — 1918).
Dagaal dhiig badan ku daatay oo ku dhintay in ka badan 20 milyan qof, Yurubna uu ka tagay iyadoo burbursan.
Marka uu dagaalku dhammaado, aadanaha wuu neefsanayaa — balse isla markiiba waxay timaadaa hargabkii Isbaanishka sannadkii 1918,oo ku faafay adduunka oo dhan, ku dhacay saddex meelood meel dadka dunida,kana dilay 40 ilaa 50 milyan oo qof laba sano gudahood — adigoo aan weli 20 jir gaarin.
Sannado yar kadib, 1929, waxaa dhacda musiibadii dhaqaale ee caalamka Malaayiin qof ayaa waaya shaqooyinkoodii iyo kaydkoodii, gaajo iyo saboolnimo ayaa dunida ku faafaysa.
Adigoo 29 jir ah ayaad arkeysaa dhaqaalaha adduunka oo burbura markii ugu horraysay taariikhda casriga ah.
Marka 1933 la gaaro, Hitler ayaa xukunka qabsada Jarmalka, waxaana dib u soo noqda calaamadaha dagaal.
Kaliya lix sano kadib, 1939, waxaa qarxa dagaalkii labaad ee adduunka (1939 — 1945).
Wuxuu socdaa lix sano, waxaana ku dhinta in ka badan 70 milyan oo qof,waana dagaalkii ugu naxdinta badnaa ee taariikhda bini’aadamka,Marka uu dhammaado, waxaad 45 jir tahay,adigoo arkay dunida oo laba jeer gebi ahaan burburtay,balse weli nasiib darro, dagaalladu ma istaagayaan,1950 waxaa bilowda dagaalkii Kuuriya,ka dibna 1955 ilaa 1975, dagaalkii Vietnam — mid ka mid ah kuwii ugu dheeraa uguna khasaaraha badnaa qarni dhan.
Markaad 70 jir tahay, weli waxaad arkeysaa qiiq iyo holac meel fog oo kale ka baxaya.
Ugu dambeen: Jiilkii 1900 wuxuu ahaa jiil adag,jiil la kulmay dagaallo, cudurro, iyo gaajo, haddana mar kasta dib u dhisay adduunka burburka ka dib,Jiil dhimasho badan la qabsaday si uu u siiyo kuwa dambe fursad ay ugu noolaadaan dunida maanta oo deggan.
Hadaba maxay yihiin dhibaatooyinka hortaagan jiil-ka, ama kuwa aan dhamaanteen ka midka nahay ee loo yaqaano (G-Z)? Ma waxyaabo ama dhibaatooyin ka waa weyn kuwii ay dadkaas soo arkeen ayaa jira mise..?
메타데이터
- post_id
- f29634bb98e1
- slug
- haddii-aad-dhalan-lahayd-sannadka-1900-f29634bb98e1
- url
- https://medium.com/@jamajey/haddii-aad-dhalan-lahayd-sannadka-1900-f29634bb98e1
- canonical_url
- https://medium.com/@jamajey/haddii-aad-dhalan-lahayd-sannadka-1900-f29634bb98e1
- author_url
- https://medium.com/@jamajey
- status
- ok
- fetched_at
- 2026-09-14 10:32:51