Culimadeena iyo Halqabsiga Maansadda
Waxaan booqanayay xaafad aanu ehel ahayn. Markii ay salaaddii Jimce gaadhay, ayaan waxaan tagay masaajid guriga la jaar ahaa. Khudbadda…
Culimadeena iyo Halqabsiga Maansadda
Waxaan booqanayay xaafad aanu ehel ahayn. Markii ay salaaddii Jimce gaadhay, ayaan waxaan tagay masaajid guriga la jaar ahaa. Khudbadda waxa galay sheekh dhalinyaro ah. Waxa aniga iyo intii ku dhagaysanaysayba aad noo soo jiitay aftahamaddiisa, af-soomaaligiisa waafiga ah iyo xeel-dheeraanta aqooneed uu u lahaa mawduuca uu markaas ka hadlayay: calafka (arsaaqda). Runtii, wadaadkani markiiba wuxuu hantay wadnahayga. Waxaanan isweydiiyay hadal iga saamayn badnaa wakhtiyaddii ugu danbeeyay.
— “ Maya! Isagaa ah kow,”
Ayay maskaxdaydu iyadoo sanduuqa xasuusta dib u baadhinba iigu jawaabtay.
Masha’Allah! Sheekhu, suugaantiisa carabigu, wax kale kuma garanayside, cirkay carabka la gaadhay. Kolba beyd naf iyo nuxurba leh ayuu hadalkiisa, sidiisaba u subkanaa, ayuu ku iidaamaa. “Kamaa qaala shaacir”, intuu yidhaahdo ayuu waliba haddanna kuwo hor leh keenaa. Anigoo kaliya leydhku ima haysto. Hareerahayga ayaan eegay. Misana dadku dhaqaaq iyo dhashiir midna ma laha; ku fahmaya Carabida — sidayda oo kale — ama ku fahmayn oo af-celinta sheekha sugaya, ee uu sida macaan u dhigayo.
Salaadii markaan ka baxnay, cabaar ayaan gaadhiga ku dhex fakirayay intaanan istaadhin. Waxaan dhex muquurtay fikir dheer. Waxaan isweydiiyay: maansadeenu miyaan wax lagu wacdiyi karin? Talaw ma xaaraanbaa? Ma dadkeena carabiga ka doorbidaya tan soomaaliga?
Maahmaahaha culimo, Allah ha daayee, inbadan adeegsata waan arkay. Tixda se, intaan arkay badiyaa, waa ka arradan yihiin. Taas oo hal-qabsi iyo hawraarna kaga filnaan lahayd tan carbeed ee ergiska ah, ee ay haddana turjumaadda soomaaliga ah la raadsanayaan. Af-celinta nuxurka dhabta ah ayaa ku dhinta. Mana jiraan, si kasta oo loo dadaalo, laba af oo si toos ah isku qaata. Bal ila eeg beydadkan miida iyo murtidu ka da’ayso:
Wallee godol Raxmaan bixiyay baan cidi gobloolsiinin.
Wallee naasu gudhiyaan gujo lagu irmaanaynin.
Risiq gaws u qoran baan wallee cidi gagaabsaarin.
Naf shinkeedii galaybaan wallee geeri laga baajin. ~ Hurre Walanwal
Waxaan sawirtay hadduu odhan lahaa beydadkaasi, bal siday u degi lahaayeen qaluubta uu markiiba horeba uu hantay, Allah qurux badnaan lahaydaa! Taasi waa taas, bal tu kalena ila eeg:
Kulligood addoomaha Rabbow, qaybshay kibistiiye
Bad kalllun ku jira kay tahay, ama fijaan kooban
Nin waliba wixii loo katibay, waa la kulan siine
Inkastuu kabtiyo ama kallaho, ama kur dheer fuulo
Ninna inaanu soo korodhsanayn, kaa ha la ogaado!~ Ismaaciil Mirre
Afku kuma go’o! Bal waa kaase qiimahaas iyo qaayahaas maxaa kalee la siisan karaa?! Danbiga ku jiraa se muxuu yahay?
Waxaad aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu
Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane.~ Qamaan Bulxan
Haddii, tusaale ahaan, aakhiro iyo ta danbaysa laga hadli lahaa, ila ma aha in mid kale lala simi lahaa kuwan:
Caddad maleh rijaal ladan intay, calal ku duubeene
Oo ay meel cabbaar loo qodqoday, kaga carraabeene
Oon camalka mooyee qabriga, cid uga yeedhayne.~ Salaan Carrabey
Abwaan Xassan Ganey, maansadiisa Qawl-Daciif, wuxuu ka mid ahaa tuducyadeeda:
Quruskana naftay iska leh
Iyadaa qaniintoo
Qawlalkeeda kama tago.
Ujeeddo kasta oo laga hadlayo, boqolaal tuducbaa laga helayaa oo abwaaniinteenii hore iyo kuwan haatan nooliba kaga maansoodeen.
Waxay ila tahay, in aanu jirin sheekh ummad isa soo hor taagay oo u haddana u soo diyaar-garoobay in la fahmi waayo. Umana malaynayo, ama aan hubaaba, in aftahamadda iyo aqoonta sheekhnimo lagu xukumi karo inta jeer ee erayo carabi ah la adeegsado. Sheekhnimadu maaha, marka laga tago “Qaala tacaalaa iyo qaala Rasuull-Allaah”, in maanso carbeed la isku hirgiso; iyadoo la og yahay in la fahmayn. Masuuliyadda culimanimaddu waa marka aad dadka aad la hadlayso siday fahmayaan wax u gaadhsiin karto, adigoo xeerinaya heerkooda aqooneed iyo garaad intaba.
Haa, waan ognahay in culimaddeenu carabi wax ku barato, balse dadka lala hadlayaa waa soomaali; miyaaney ahayn?
Adab iyo Sarfi ama cilmi bayaanba dhahoo, isagoo soomaaliya ayaa jira, loogana heelan yahay, dadkeenuna ka jecel yihiin. Sideedabanna, cilmigaagu haddii aanu deegaanka iyo duruufta dadkiisa uu la noolaan waayo, oo uu ku dhex qaloodo, kaasi waxtar ma leh.
Bal ka faker culimaddii alliftay higaadda af-soomaaliga: “Allif la kordhabay, Allif la hoos dhabay, Allif la-goday.” Wax weyn ayay tareen; aqoontii ayay deegaameeyeen.
Loogu garaabi maayo, kamanna gadmayso culimadeena, aan ixtiraamka iyo qadarinta badan u hayo, “Kama qaala shaacir”! Ha ogaadaan inay suugaanteenu hodan tahay, oo ay kaga filan tahay kana xiise badan tahay: “Sida uu yidhi Timacadde…sidii uu yidhi Hadraawi…Sayid Maxamed Cabdalle Xassan waa kii lahaa… Gaarriye waxa laga hayay.”
메타데이터
- post_id
- 2ccb52089ba9
- slug
- culimadeena-iyo-halqabsiga-maansadda-2ccb52089ba9
- url
- https://medium.com/@baxraawi/culimadeena-iyo-halqabsiga-maansadda-2ccb52089ba9
- canonical_url
- https://medium.com/@baxraawi/culimadeena-iyo-halqabsiga-maansadda-2ccb52089ba9
- author_url
- https://medium.com/@baxraawi
- status
- ok
- fetched_at
- 2026-07-30 01:32:40