La Jiifiyaana Bannaan
Goobtu diiwaangalintu waabay iska madhnayd, inay buuxdaan filayee. Waa Ilaahay mahaddii. Waxa joogay, oo iga horreeyay, 6 qof. Waa dadkii…
La Jiifiyaana Bannaan
Goobtu diiwaangalintu waabay iska madhnayd, inay buuxdaan filayee. Waa Ilaahay mahaddii. Waxa joogay, oo iga horreeyay, 6 qof. Waa dadkii xaafadda, oo waan wada garanayay dhammaan: yar iyo weynba; rag iyo dumarba.
Hadalbaaba iska bilawday. Waa haweenay qurba-joog ah. Waxay ka walaacsan tahay, oo ay su’aal ka keentay, xogtan laga kaydinayo ammaankeeda, iyo cidda dammaanad qaadaysa ilaalinteeda. Oday ku xigay ayaa qosol ku wadhay, ku ye, “Adeer, ma waxbaa inoo qarsoon, dabadeenaa bannaanka taalla, oo satalaytbaa ina haya hadh iyo habeene.” Waa la wada qoslay. Aniga se werwer kale ayaan qabaa, oo keeda ka weyn. Waxaan ka cabsiqabaa inaan noqon waayo qof kaan ahay, oo ku kale la iga dhigo. Waanay igu dhacdaa markasta.
Kaadhkaygii dhalashadda, oo jeebka sare ee shaadhka iigu jira, ayaan hadbba hubinayaa. Magacaygu siduu ugu qoran yahay, taariikhda dhalashadda, iwm. Waxba yaanan hadal idinku daaline, waxa la iigu yeedhay inaan buuxiyo foomka diiwaagalinta.
-“Magacaa?” mid ka mid shaqaalaha ayaa si ixtiraam leh ii weydiiyay.
-“Waa kan kaadhkaygii dhalashadu…” ayaan u raaciyayay gacantaydii xagiisa u fidsanayd.
-“Haa sax…magacaaga oo afaran ii sheeg?” ayuu igu jaray anoon hadalkii iga soo wada bixin isagoo ku foogan warqadda hortiisa taala.
-“Waa Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi Qaalib” ayaan ugu yeedhiyay, anoo aayar aayar isku daba-dhigaya sidii oo aan higaadinayo, ishana la laalcaya waxa uu qori doono, ase aan arkayn.
Foomkii ayuu horta iga siiyay. Indhahaan ku yuubay, mise taan ka baqanayay ayaa dhacday. Magacaygu kaygii maaha. Waa qof kale. Waan u sheegay in uu si qaldan u qoray, wuxuu ii celiyay inay iska caadi tahay. Caadi! Haa, markastaba waa iska caadi in magacayga wax kale ahaado, oo aan noqdo qof kaliya oo leh 16 magac — oo waliba sharci ah.
Illaa maalintaan dugsiga bilaabay magacaygu rabshad ayuu igu hayay. Mar waa mare, waxaan la yaabi jiray sidan uu isku soo noqnoqonayo: Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi. Sideen awaw iskugu noqon karaa anigu? Ayay maskaxdaydu isweydiin jirtay. Ma dhacayso, waxbaa qaldan. Intaan uuladda ahaa, mid baan go’aansaday, inaan kaba boodo, oo aan noqdo: Cabdillaahi Xassan Qaalib. Kaasaa la ii diiwaangalin jiray markastaba.
Waxay dhibi ka joogtay markay hooyadday ama aabahay dugsiga iigu yimaado/timaado. “Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi waa fasalkee?” “Ma jiro ardaygaasi waxa jira, Cabdillaahi Xassan Qaalib” ayaa lagu odhan jiray. Baryahii danbe, waxaan asxaabtayda iskuulka kula kaftami jiray, inankayga inaan u bixin doono Xassan, si uu u noqdo magaciisa oo dhammaystirani, Xassan Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi, miskiinku ha fajacee.
Waa ta labaad, waxa wareer kale iga qabsaday sida magacayga loo qoro. Macallin kastaa siduu doono ayuu iigu qori jiray. Allaylahe, maadada Carabida iyo Tarbiyadda ayaa magacaygu mid qudha ahaa.
Kaadhka dhalashadda, shahaadadahayga, baasaboorkayga, kadhka aqoonsiga shaqadda, xisaabta baanka, buugga gaadhiga, liisankayga, iyo kan iigu qormi doona kaadhka codbixinta. Waa Cabdillaahi, Cabdilaahi, C/laahi, C/llaahi, C.laahi, C,laahi, C.Laahi, C.llaahi, Cabdullaahi, Cabdalle, Cabdille, Cabdulle, Abdullah, Abdallah, Abdillahi, Abdullahi. Waa qof iyo siduu jecel yahay inuu u qoro.
Qofku wuxuu qof ku yahay magaciisa, uu dadka kale lagaga baadi-soocaa. Magacuna waa hantida koowaad ee qofku yeesho marka uu ifka yimaado. Hantidaas sharcigaa illaaliya. Tusaale ahaan, Soomaalilaan iyo adduunyadaba: qofku wuxuu magaciisa ku beddeli karaa go’aan maxkamadeed, waxa la mid ah qaabka loo higaadinayo — se ma hubo dalkeena. Xitaa Faysbuuggu toban jeer markii aan magaca baddelay ayuu iga xanibay. Maanta, waa sababta uu magaca iigu qoran uu yahay: Abdullah H. Abdullah. Waxaan jeclaa in uu Af-soomaali ahaado, laakiin ma awoodo. Haddaba, bal waxaad ka warrantaa, haddii markasta hay’addahii sharciga ahaa musuqmaasuq kaagala kacayaan magacaagii yaraa? Waa mid subxaanalle soo maaha?
Waxa xeer ah, ciqaabtiisana leh, in qofku mar kaliya isdiiwaangalin karo. Aniga se magacaygii ayaa lagu celceshaday, oo la igaga shubtay. Waxaan noqday nin kaliya oo 16 magac leh.
Waxaan sugayaa maalinta magacaygu mid noqonayo, ee uu si isku mid ah loo qorayo. Waxaan eegayaa ayaanta aan xaq u lahaanayo, hadday ugu yar tahay, in magacayga wax la iga weydiiyo: sidaan ugu dhawaaqo iyo sidaan u qorayo. Waxaan sugayaa maalinta magacaygu soomaali noqon doono. Af Soomaali xeerarkiisu sugan yihiin, oo aan ahayn: la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan.
Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi “Baxraawi”
Originally published at www.haldoornews.com on May 15, 2016.
메타데이터
- post_id
- d85607f4e765
- slug
- la-jiifiyaana-bannaan-d85607f4e765
- url
- https://medium.com/@baxraawi/la-jiifiyaana-bannaan-d85607f4e765
- canonical_url
- https://medium.com/@baxraawi/la-jiifiyaana-bannaan-d85607f4e765
- author_url
- https://medium.com/@baxraawi
- status
- ok
- fetched_at
- 2026-07-30 18:23:06