← Back to list

Sheeko Sheeko 30 — Dayro

“Aaah… aa… aa” inta ay iskala bixisay ayay soo fariisatay maryahana isku duwday. Waa maalin kale oo ay dhex jiifto qolkii ciriiriga ahaa…

Shilke Sh. Shariif · 2025-09-19 19:04 · 0 claps · 2.0 min read
#dayro #agoon #rajo #shilke #sheeko
Open on Medium ↗

Sheeko Sheeko 30 — Dayro

“Aaah… aa… aa” inta ay iskala bixisay ayay soo fariisatay maryahana isku duwday. Waa maalin kale oo ay dhex jiifto qolkii ciriiriga ahaa ee kutaanka badnaa, ma awooddo in ay iska dayactirto oo fasax uma haysato. Inta ay iska riixday daaqaddii ay qorraxdu ka soo galaysay ayay dib gogoshii ugu soo laabatay, inta aysan dhinaca dhiginna albaabka ayaa xoog loo soo furay, way soo hinqatay oo eegtay, waa Sahra, xaaskii adeerkeed.

  • Naa ha ii kala oolline soo kac, kaalay adeeg ii doon.

Way islaabtay oo ay miriqday Sahra, Fahmana waxa ay gudaha ka damaaciday in ay mar uun waayi lahayd araga Sahra — Inkaarqabtada sida arxandarrada ah ula dhaqanta. Way ka soo dabakacday inta qolka carruurta oo ay ka dhex bulxamaysay hor istaagtay ayay tiri;

  • Eeddo, adeegeen doonaa.

  • Hayeh, waa markaad khabarmoogga iska dhigi jirtay! Edeegeen doonaa kuteh. Kaalay aniga i doon!

Fahma waxa ay iskudhufsatay in adeegii quraacda uu yahay, dukaanka xaafadda ayayna soo aadday, saf ay hooyo gabar yar gacanta haysataa kaga horrayso ayay ku soo biirtay, waxaa dhegeheeda ku soo dhacaya ereyo aysan weligeed maqlin.

  • Hooyo, maxaan kuu gadaa?

  • Ee… nac nac!

  • Shukulaatadaanaa ka macaane maa qaadatid hooyo?

  • Ii ii, sutulaatada wee… wee idu dedegee…

Fahma, waxa uu dubaaqeedu u soo dirayaa farriimo ka mug wayn meerayaasha, waxa ay ku dhaygagsan tahay gabadha yar ee ku dheggan tafta hooyadeed, gacanta kalana afka kula jirta ee ka hadlaysa dookheeda iyo waxa ay jeceshahay, waxa ay gocanaysaa nolosheeda iyo silica ay ku jirto.

Waxaa la gaaray dookadeedii, intii aan se dalabka la waydiin ayay gabar qol gadaale ka soo baxday la hadashay ninkii iibinayay dukaanka;

  • Aabbe, ani maanta ma baxaayi.

  • Maxaa kugu dhacay aabbo?

  • Shala mii dhihinoo, kabo cusubaa kuu soo gadaane?

Inta uu dhankeeda u dhaqaaqay oo uu isku gaabiyay ayuu soo xanbaartay daankana shumis ummac kaga siiyay.

  • Aabbo, ani wax aan kaa ballanqaaday maa waynee?

  • Maya.

  • Shala waa hilmaamee, maanta markaa iskuulka ka imaanaysid ayagoo kuu diyaarsanaa u imaanee.

  • Hayeh aabbe!

Shumis kale ayuu ugu daray, wuuna dejiyay.

  • Aabbo, taw dheh yaan iskuulka lagaa xirine.

Fahma, waxaa indheheeda ku soo istaagay ilmo kulul, waa dareen kale oo ay muddo ugu danbaysay, toddobo iyo toban sano ayaa laga joogaa geeridii aabbehed, gadaashiisna ma aysan helin waalid daryeela, ruux dhagaysta oo u damqada iyo cid la fahanta waxa ay doonayso toona. Waxa ay ku shigshigtay sheegidda adeegii loo soo diray.

Gurigii ayay ku soo laabatay, Sahra oo albaabka taagan ayay ku timid;

  • Hayeh, ma kuray baad meelaha la taagnayd, meeqo saac baad maqan tahay?

  • Maya eeddo, dukaanka dad kalaa wax ka gadanaayay oon sugaaye.

  • Haa, dukaanlahaad jaanis ku gaadaysay miyaa? Maxaad ka damacsanayd!

Fahma inta ay adeegii hor dhigtay ayay albaabka u soo dhaaftay, Sahra sidii caadada u ahayd ayay afka furatay, in aysan ixtiraam uhayn, bariiskeedana ay ku naaxday ayay ku tiiqtiiqsatay, gurigaan in aysan sii hoyanayna ugu hanjabtay.


메타데이터
post_id
da0c5d051086
slug
sheeko-sheeko-30-dayro-da0c5d051086
url
https://medium.com/@shilke14/sheeko-sheeko-30-dayro-da0c5d051086
canonical_url
https://medium.com/@shilke14/sheeko-sheeko-30-dayro-da0c5d051086
author_url
https://medium.com/@shilke14
status
ok
fetched_at
2026-07-17 10:16:35