← Back to list

Sheeko Sheeko 32 — Shabbaha

“Ih ih ih Ihihi ih…” meel dheer ayaa laga maqlayaa hiqdeeda, illintii ka hoortay ayaana daankeeda haaro ka jeexday, bustihii ay huwanayd…

Shilke Sh. Shariif · 2026-04-07 15:21 · 0 claps · 1.8 min read
#shabbaha #sheeko #sheekofaneed #shilke
Open on Medium ↗

Sheeko Sheeko 32 — Shabbaha

AI Image

AI Image

“Ih ih ih Ihihi ih…” meel dheer ayaa laga maqlayaa hiqdeeda, illintii ka hoortay ayaana daankeeda haaro ka jeexday, bustihii ay huwanayd ayay ku soo hoos jirtaa. Maankeedu waxa uu dib u muhanayaa xasuuso hore, maalmihii wacnaa ee uu aabbeheed Cabdi Dheere u noolaa, maalmihii oogta waaga ay ku kici jirtay haruubka caanaha ah ee uu hashii ina Hiiran uga soo lisay ‘aabbo ii hiinso’ na uu ku hangaalin jiray.

Shabbaha waa curadii reerka, Cabdi waxa uu u xannaanin jiray si khaas ah, waxa uuna dareensiin jiray in ay tahay hoggaanka qoyska iyo boqoradda aagga ka talisa. “Aabbo, waxaraha qoolka gali, nirgahaasna soo aruuri” ayuu ahaa hadalkii ugu danbeeyey ee uu ku yiri ka hor inta uusan ka tagin. Waxa ayna subaxdii danbe ku waabariisatay koorta ratigii siday maydkiisa, waxa kaliya ee loo sheegay waxa uu ahaa in uusan dib danbe u soo laaban doonin.

Labaatan sano kaddib, Shabbaha waxa ay la harjadaysaa nolol ka adag si walba oo ay filaysay, nolol ay wayday hooyadeed labada ubad ah ee ka yarna ay iyada hiil bidayaan, nolol badday goob aysan habayna ku hoyaadeen, nolol sanka ka galisay wixii ay ka giifi jirtay kuna khasabtay in ay ilmadeeda ku fooldhaqato subax walba.

Marka ay albaabka ka soo baxdo ma ahan Shabbahadii ilmada badnayd ee waa farxaanad aadan dareemayn in ay sikinna murugootay, waa bashaashad kaftan badan oo shaqa yaqaan ah, dhabna u qaadatay oraahdii ahayd ‘maalmaha adduunyada waxaad maashaa miradhala’ oo la micna ah in aysan murugadu waari doonin, farxadduna waari doonin se wixii aad kasbato kaliya ay waari doonaan.

In kasta oo ay yarayd, haddana mar walba oo ay dib u xasuusato aabbaheed waxaa uur ku taallo ku noqota ballamihii uu ka qaaday iyo sidii uu ugu sawiray nolosheeda mustaqbalka ee ay ka ahayd boqoradda aan la loodin karin garabka Cabdi Dheerena ku tiirsan, waxa uu u sawiray nolol ay wax walba u dhamaystiran yihiin dhibaato oo idilna ay ka dheertahay oo uu isagu darbi lama taabtaana u yahay, mar walba oo ay ereyadiisii xasuusatana waxa ay dhex maquurataa badwayn kale oo ah sidii ay u ekaan lahayd noloshaas oo u rumowda, sida ay dareemi lahayd iyo haddaa halka ay ku sugnaan lahayd.

Marka ay ku daahdo, dhabteedana ilmada dhabanadeeda ku qubanaysaa ay buuxiso ayay indhaha tirataa, sidii oo aysan weligeed ilmo tifiq ka orana u dhoollacadaysaa, oo ay hawsheeda qabsataa, iyada oo uurka iska leh ‘wax uusan Rabbi qorin awalbaysan rumoobayn’. Shabbaha waxa ay ka rumaysay hadafkii ay dhexda u xiratay, iyada iyo walaalaheedna nolol ay ku farxaan gacan bani’aadanna uga maarmaan ayay galeen.


메타데이터
post_id
de7ea14b7166
slug
sheeko-sheeko-32-shabbaha-de7ea14b7166
url
https://medium.com/@shilke14/sheeko-sheeko-32-shabbaha-de7ea14b7166
canonical_url
https://medium.com/@shilke14/sheeko-sheeko-32-shabbaha-de7ea14b7166
author_url
https://medium.com/@shilke14
status
ok
fetched_at
2026-07-14 02:52:02