LEEF OO HA LIQIN
📸iStock
LEEF OO HA LIQIN

📸iStock
Horta nasiib darrada la sheegaaba waa aniga! Bartamahii 2015, ayaan gaari caasi ah Baarubax ka raacay aniga oo Matabaan u socda. Booskii aan helay waxa uu noqday kursiga raaxeeyaha ee danbe, anne waan nacay oo bagaaliyaha ayaan fuulay, mase naceen haddaan ogahay abuurta jaad-gooniga ee kursiga iga horreeya fadhisa. “Qamar iyo shaydaan baa degdega” oraahda ah aniga ayayba igu habboonayd malaha.
Duhur dheer ayaan ka baxnay Xamar, casirka oo dabaqabad ah ayaan Balcad nimid. Salaadda ayaa loo wada degay, markii la tukaday ayuu darawalku inoo sheegay, in aan caawa magaalo iyo tuulo midna la arki doonin ee qof waliba casho gato, ama wixii uu ku jid mari lahaa. Markaas ayay isheydu qabatay iyada oo inta soo degtay qare meel ka gadanaysa. Waan u qaadan waayay in quruxda intaa la egi gaariga ila saarnayd. Cabbaar ayaan dusha ka daawaday iyadoon dhaadayn. Markii ay gaariga soo gashay ayaan husaday halka ay gaariga ka fadhiso. Allaylehe waa kursigii aan diiday midka ka horreeya. Hoos baan isu canaantay. Gaarigii ayaa la wada koray, qof walibana booskiisii ayuu salka la helay. Xuduudka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan meel ah baan habeenkaas seexannay oo Buq-aqable u dhoweyd, -sidaan filayo.
Markii la degay ayuu qof weliba meel isku tuuray. Ragguna meel bay isku urursadeen dumarkuna meel. Jaanis yar ayaan helay oo aan inantii kula hadlo. Nasiib wanaag in aan seexdo ma rabin iyaduna sidoo kale. Waxaan la fariistay meel baabuurka agtiisa ah. Quruxdeedii… Ilaah bay iga tahay in aan sifeyn karin. Waxay lahayd qurux aan qowl iyo qalin midna lagu koobi karin. Si’ aan garanayo ayay u ekeyd!
Kaftan baan ku tuuray, wayse ila qabsatay oo si fiican baa isula jaanqaadnay. Runtii qof deggan oo dabeecad furan bay ahayd, gu’ga ay jirto iyo garaadkeeduna isuma dhowayn. Durba waan is barannay oo is fahannay, In ay aabaheed oo Gaalkacyo deggan u socoto ayay ii sheegtay. Habeenka oo saddex meelood labo meel aan safar ku soo qaaddanay, ayaan dhiggii haray kaftan iyo sheeko ku dhammaysannay. Cabsi baase nagu jirta. Alashaab guuraynaya hadduu naga soo kor dhaco, in ay belo madoobi naga raacayso baan qabnay. Wax walba ayaan ka sheekaysannay haddana waxba isuma aynaan sheegin.
Gabadhii dadka waan isaga dhowaannay. Xilli duhur ah ayaan Beledweyne soo galnay. Markii aan qadeynay ayaan magaalada dhex aadnay oo bitiri taleefan kala raadiyay. Meel dhexe ayaa taleefankeeda bitirigu uga soo hallaabay. Waxay i weydiisay in aan kala garanayo magaaladan oo meel bitiri laga heli karo aan aqaanno. In aan aad u aqaan oo aan xitaa dhowr habeen ku hoyday baan u sheegay. Waan u faanay, weligey xitaa habeen kuma hoyan Beledweyne. Waan soo gadnay bitirigii, oo taleefankeedii ayay daaraty. Intii aan raadinaynay bitiriga, ayay i weydiisay “armuu baabuurku naga tagaa?” anne hoostaan ka lahaa Ilaahow muu tago, aad qoftaa la sii joogtide. Habaarkaasi iima shaqeyn, Allena igama hoos qaadin!
Casirka oo dhow baan Beledweyne ka baxnay. Kalabayr marka la dhaafo waxaa jirta buur aad u dheer oo baabuurta aadka u rarani ku dhib qabaan. In baabuurka laga dego oo la lugeeyo, ayaa darawalku amaray, sidaas baana la yeelay. Jid caddaha ayaa lagu lugeeyay, dadkuna sidii ay isu fahmayeen ayay isula jaanqaadeen, oo isugu lug darsadeen. Aniga iyo iyada ayaa saanta mar wada qaadnay, dadkana waan ugu danbeynaa. Qurux badneydaa! Alla maxaan isha ku xaday iyadoo baraad la’!
Baabuurka dadka saarani qofkoodna biyo sooma qaadan, oon baa dhuunta nala wada qallashay, iyadaase iga darneyd, oo anigu miyi baan ku koray, oonka iyo u adkeysigiisu iguma cusbayn. Sheekadii ayaan xitaa awoodi weynay in aan badinno, oo kabaheenna ayaa culeys noogu filnaa. Meel baa waxaa nooga soo baxay nin ari goobaya oo buraashad yar oo dahaaran biyaha ku wata. In uu biyo na siiyo ayaan ka codsaday. In isaga ku yaryihiin oo aan wax laba qof cabi karto ka go’in buu noo sheegay. In uu iyada siiyo oo aanan anigu aad biyo ugu baahnayn baan u sheegay, wuuna iga yeelay. Ninkaasi maalintaa wuu i furtay, oo wuu igu hagoogtay. Ragga maalin qaraar baa la bartaa wallee.
Way iga diidday in ay kaligeed biyaha cabto, waanse ku qanciayay. Baabuurkii ayaan soo gaaranay oo aan raacnay. Salaadda cishe oo la addimayo ayaan koontaroolkii Matabaan soo istaagnay. Xilligaas qofkii Xamar ka yimid ee dhulkaas Ahlusunna ka taliso gelaya, waa in uu qof la yaqaan noqdo ama qof damiin ka ah la helo. Sida caadiga ah baabuurka waxaa la weydiiyaa in uu wado qof magaalada u socda. Markii uu sheegay in uu hal wiil sido ayay ku yiraahdeen soo deji ee noo keen. Waan degay, inantana waxaan u sheegay inantii in aan taliyahaba aqaanno oo aan wax dhib ahi jirin ee aan soo noqonayo.
Meesha taliyuhu fadhiyo, oo ku dhowaad 30 mitir laamiga u jirta ayaa la geynayaa qofka si loo wareysto. Waxaa xilligaa saldhigga haystay nin hadda caan ah oo taliya boolis ka ah degmo Galmudug ka tirsan. Markaan isu sheegay ee uu i gartay, laakiin uu wareysi kale igu wado, ayaa darawalkii buuburka ku noqday oo inta boorsadii laamiga ii dhigay iska dhaqaaqay, maadaama uu hubsaday in aan nin magaaladiisii soo galay ahay oo la iyaqaanno. Laamiga ayaan halhalel ku imid, mase ili-ku-wareertay buu fareejo cas ka sii tuurayaa! Wax walba waxaan ka jeclaa gaarigaas oo magaalada ku dhex jaba oo aan uga daba tago, mase noqon oo dhici weyday sidaan rabay.
Gabadhaas aan intaas la soo socday lambar kama qoran meel kale oo lagala xiriirana haba sheegin, waanba isa siiyay, oo waxaan is lahaa marka aad degayso ka qoro, maxaa ku dedejinaya. Illeen talo isuma kaa sheegto!
Waxaan weli xusuusteyda ka bixin cabbaayaddii madowga ahayd ee ay xirnayd, ee midabkeeda aadka u bilaysay, ilkaheedii dabarka lahaa ee qosolkoodu hanaqa i gooyay, quruxdii hidda-u-dhaladka ahyd, yaanan illaawin degganaanteedii. Hummaaggeedii ayaa weli i hor muuqda!
Aniga oo caga jiidaya ayaan dalanbaabi-socod meeshii uga soo dalaabay.
Tiro ka toban jeer ayaan magaceedii faysbuugga ku baaray, mase maxaad ii dhiibatay! Barashadeedii waxa ay igu noqotay ‘leef oo ha liqin’. Ilaahow muu waqtigu dib u noqdo!
Toban sano ka gadaal safarkaas ayaan xus uga dhigayaa sheekadaan inantii, waa intaas oo ay iyaduba aqrisaaye.
W/Q: Shaafici Gaafaay
메타데이터
- post_id
- f4b3c7208dc0
- slug
- leef-oo-ha-liqin-f4b3c7208dc0
- url
- https://medium.com/@gaafaay144/leef-oo-ha-liqin-f4b3c7208dc0
- canonical_url
- https://medium.com/@gaafaay144/leef-oo-ha-liqin-f4b3c7208dc0
- author_url
- https://medium.com/@gaafaay144
- status
- ok
- fetched_at
- 2026-07-18 17:03:17