← Back to list

Qalbi jabkii iyo nolosha jaceylkii Faylasuuf Friedrich Nietsche(1844–1900)

Waxa jirtey gabadh raashiyaan ah oo aad u qurxooneyd, marwo Andreas-salomé. Marwo salome waxay saaxiib aan la kala dhex galin la ahayd…

Abdirahman Sabry · 2021-11-19 13:20 · 5 claps · 3.8 min read
#jaceyl #falsafad #murugo #friedrich-nietzsche #salomé
Open on Medium ↗
Wiki topics: PHI · Philosophy

Qalbi jabkii iyo nolosha jaceylkii Faylasuuf Friedrich Nietsche(1844–1900)

Waxa jirtey gabadh raashiyaan ah oo aad u qurxooneyd, marwo Andreas-salomé. Marwo salome waxay saaxiib aan la kala dhex galin la ahayd faylasuufkii iyo qoraagii reer jarmal ee paul ludwig ree. Faylasuufkan reer jarmal xidhiidhka qotodheer ee u dhexeeyay marwadan ayaa sababey inuu guur u soo bandhigo; nasiib darro marwo salome way ku gacan saydhey waxaanay u sheegtey in ay saaxiib iyo dad wada jira ahaadaan waliba ay quruxbadantahay in ay qof saddexaad ku soo darsadaan saaxiibtinimada.

Mudane ree oo xaalka aan ku faraxsanayn ayaa soo jeediyey in saaxiibkii oo ku nool dalka Talyaaniga uu u soo bandhigo arrinkan; saaxiibkaas magaciisu waxa uu ahaa Friedrich nietzsche. Salome markey maqashay magaciisa way kala badatey oo waxay aad ugu muraaqootey in ay ninkaas aragto oo la kulanto maadaama ay in badan maqashey magaciisa iyo saameyntiisaba.

Haddaba maalin isagoo friedrich iska soo warwareegaya magaalada ayaa waxa u soo dhacdey warqad ka timi saaxiibkii oo aad ugu sheekaynaysa marwo salome iyo quruxda eebbe ku galladey iyo waliba sida ay ugu hammuun qabto in ay dhaayaha saarto Friedrich. Si dhaqso leh faylasuufkii waynaa friedrich ayaa April, 1882 kii u soo xidhxidhey safar uu ugu imanayo saaxiibkii ree. Isla qacdii u horreysey ee kulankooda Friedrich waa la saaqey waxaana sida laydha daf yidhi cishqi iyo dareen jaceyl.

Mooji in uu ka ahaa ku arkay oo ku caashaqey — laakiin isaga waxa uu naftiisa u sheegey in waxani jaceyl yahay oo uu ka heley gabadhan. Friedrich waatan oo waa la heley waana ay ka baahdey talo oo jaceylkan gabadhan ayaa gabigiisiba la wareegey, laakiin Marwadii Salome ahayd way is uruuriney waxaana ay u muuqata mid is iska dhega-tireysa arrimo jaceyl oo Friedrich xaggiisa ah kaliyana xiiso u qabta inay kala sheekeysato Falsafada iyo qaybeheeda.

Maalmo yar markii laga joogey kulankii ay isku barteen, marwo salome waxay aqridey gabay uu qorey faylasuufku Waxa cajiiba ah in salome ay ka heshey sida gabaygiisu uga dhex hadley ee uu u qeexay afkaarta ay ka haysatey nolosha iyo jiritaankeedaba.

Dhinaca kale dareenkii jaceyl waa ku kordhey faylasuufkii waxaana uu go’aan ku gaadhey inuu si deg-deg ah ugu sheegto guur– laakiin Faylasuufku ma oga in saaxiibkii Ree mar hore intuu arrinkan oo kale galay cidlo lagaga dhaqaaqey. Sidii caadada ahayd Marwo Salome, waxay dhan isaga leexisey guurka uu la roorayo Friedrich. Xaqiiqdii Salome waxay ugu dhameyd sheekooyinka falsafada, nolosha iyo halgankeeda laakiin dan iyo heelo midna kama lahayn arrimaha guurka iyo jaceylkaba.

Haddaba si kasta ha ahaatee Friedrich waxa ku sii kordhayey jaceylkan, waxa ugu mudan ee uu ku cataabayey na waa inuu hantiyo salome oo aanay cidi la wadaagin xattaa boqorka boqortooyada wayn haystana Alle ha ka dhigee!. Si kastaba ha ahaatee jabku waxa uu yahay in Salome ay friedrich kaliya u qadariso saaxiib, aanay se marna u haweysan inuu odeygeedii noqdo.

Waqtigii waa is gurayaa, Friedrich lurka falaadhii jaceylku waa ku sii siyaadayaan waqti hore oo ah 13 May isla sanadka kullankooda, Salome iyo ninkii Ree ayaa friedrich ku booqdey magaaladiisa. Ninkii Freidrich waxa uu fursad u heley in uu la kaliyeysto marwadii uu jaceylka u hayey; waxay wadaageen socod lugeed jimicsi ah, dooddo nolosha iyo falsafadda ku saabsan. Friedrich waxa uu markale heley fursad uu ku soo bandhigto guur; sidii si la mid ah dhinac ayey isaga leexisey dalabkiisii, tani waa markale iyo xabbad daloolisey qalbiga faylasuufka jaceylku daaqadda ka soo galay.

Gabadha sidan u gashey, faylasuufkii waynaa waxa ay aad uga cadheysiisey Elizabeth oo ahayd gabadha la dhalatey faylasuuf Friedrich, waxaana ay ku tilmaamtey salome inay tahay qof xad-ka-bax ah oo shaydaamowdey damiirna nool na aan lahayn.

Bil kaddib Mudane ree iyo Marwo salome oo saaxiib ahaa way kala socdeen iyagoon xattaa sameysan qorshe ay ku kulmaan mardanbe inta ay noolyihiin, tani waxay sababtey in Friedrich looga tago cidla iyo inuu ku kaliyeysto darranyo jaceyl iyo dareenno qadhaadh oo laabtiisa miranaya; Inkastoo Friedrich uu sii wadey inuu saaxiibkii la xidhiidho oo uu u diro farriimo xod-xodasho ah sida "Waqtiyo waynu is arki, miyeynaan is arkeyn reeeyaw?" Haddana Faylasuufkii waynaa waxa ku dhacey hanjab iyo nafsad-xumo wayn oo uu sababey caashaqani.

Markii talo faraha ka haaddey waxkastaana sii murgeen oo uu ku xeelad iyo caashaq beeley ninkii Friedrich ahaa, wuxuu qawadey qaabkii wax u dhaceen oo dhan isagoo eedda dusha ka saarey saaxiibkii, Ree, gabadhii Salome qudheeda ahayd iyo walaashii Elizabeth. Saaxiibkii iyo salome waxa uu dusha ka saarey suququlka iyo sababta qalbiga Salome uu jaceyl ugu dhalan waayey, walaashii Elizebeth na waxaa uu ku maagey warqaddo dhawr ah oo ay u dirtey qoyska Salome kuwaas oo ay ku ceebeyneyso nidaamka ay u noolyihiin iyo qaab nololeedkoodaba.

1883 kii ayuu Friedrich wax ka qorey xaalladdan waxaana uu af-labadii sheegey nacaybka uu u qabo walaashii Elizabeth. Intaas kaddib Friedrich waxa uu ahaa gooni-daaq go’doon nolosha ku noqdey oo jaceylka uu u qaadey Salome iyo diidmadii jawaabta u ahayd madax mareen. Gabadhii Salome ahayd waxay noqotey waqtigaas mid caan baxda oo Yurub oo dhan looga yaqaan Gabadhii faylsuufka wayn qalbiga jabisey. Marxaladdii ugu dhibta badneyd ee noloshiisa friedrich Nietzsche, waxa uu raadinayey in uu xanuun jabiye u helo lurka jaceylkan ku kaliyeystey ee sida dhimbiisha qalbigiisa gubaya.

Friedrich Nietzsche waxa uu leeyahay qoraalo badan oo uu ka mid yahay buugga "Thus Spake Zarathustra" oo ka mid ah baarka sare ee maxsuulkiisa, buuggu waxa la sheegaa inuu ka dhashey lurkii iyo dareen qabadkii ay sababtey gabadhii salome. Laakiin taa dad badan ayaan qabin, aniguse waxba kama odhan karo oo wali ma aqrin buugga.

F.G: Xogahan waxaan ka soo kala uruuriyey meelo kala duwan ha u horreyso “Deep history” oo qoraalka badidiisa aan ka soo turjumaye.

Mahadbadan.

Abdirahman Sabry.


메타데이터
post_id
fe2eaf17bc58
slug
qalbi-jabkii-iyo-nolosha-jaceylkii-faylasuuf-friedrich-nietsche-1844-1900-fe2eaf17bc58
url
https://medium.com/@abdirahmansabry/qalbi-jabkii-iyo-nolosha-jaceylkii-faylasuuf-friedrich-nietsche-1844-1900-fe2eaf17bc58
canonical_url
https://medium.com/@abdirahmansabry/qalbi-jabkii-iyo-nolosha-jaceylkii-faylasuuf-friedrich-nietsche-1844-1900-fe2eaf17bc58
author_url
https://medium.com/@abdirahmansabry
status
ok
fetched_at
2026-07-27 19:33:48